Aas Qaran oo Loo Diyaariyey Ayatollah Ali Khamenei, Kumannaan Qof oo Dalal Kala Duwan Ka Qaybgalaya Dowladda Iran ayaa si rasmi ah u shaacisay in hoggaamiyihii hore ee dalkaasi, Ali Khamenei, loo qaban doono aas qaran oo ballaaran kaas oo ka dhici doona magaalada barakeysan ee Mashhad, halkaas oo uu ku dhashay islamarkaana ay ku taallo xaramka caanka ah ee Imaam Rida. Wararka kasoo baxaya Iran ayaa sheegaya in aaska uu dhici doono saddex maalmood gudahood, iyadoo la filayo inay ka soo qayb galaan malaayiin ruux iyo wafdi ka kala socda dalal badan oo Muslimiin ah.
Munaasabadda ayaa noqon doonta mid ka mid ah aasaska ugu waaweyn ee ay Iran qabato tan iyo geeridii hoggaamiyihii kacaanka Iran, Ruhollah Khomeini, sanadkii 1989-kii. Dowladda Iran ayaa diyaarisay qorshe amni oo aad u adag, maadaama la filayo inay magaalada Mashhad soo gaaraan kumannaan qof oo ka kala imanaya dalalka Ciraaq, Pakistan, Afghanistan, India iyo Bangladesh, kuwaas oo doonaya inay ka qeybgalaan sagootinta ugu dambeysa ee Khamenei.
Sidoo kale, wararku waxay sheegayaan in xafladaha baroordiiqda ay ka dhici doonaan magaalooyinka waaweyn ee Iran, gaar ahaan Tehran iyo Qom, ka hor inta aan maydka loo qaadin Mashhad si halkaas loogu aaso. Dadweyne fara badan ayaa la filayaa inay ka soo qaybgalaan salaadaha janaasada iyo munaasabadaha xusuusta ah ee loo sameynayo hoggaamiyihii dalkaasi soo maamulayay muddo ka badan 36 sano.
Geerida Khamenei ayaa si weyn u saameysay siyaasadda gudaha Iran iyo guud ahaan Bariga Dhexe, iyadoo taageerayaashiisu ku tilmaamayaan hoggaamiye ilaalin jiray qiyamka Jamhuuriyadda Islaamiga ah, halka mucaarad badan ay geeridiisa u arkaan dhammaadka xilli siyaasadeed oo dheer. Si kastaba ha ahaatee, aaskiisa ayaa la filayaa inuu isu keeno taageerayaal badan oo ka kala imanaya gudaha iyo dibadda Iran, kuwaas oo doonaya inay sagootiyaan mid ka mid ah hoggaamiyeyaashii ugu saamaynta badnaa gobolka qarnigan.
