Madaxweyne William Ruto oo Wajeer ka Shaaciyey in Dowladda Kenya Mushahar siin doonto Macallimiinta Dugsiyada Qur’aanka Madaxweynaha dalka Kenya, William Ruto, oo maanta ku sugan magaalada Wajir ayaa ku dhawaaqay go’aan taariikhi ah oo la xiriira dugsiyada Qur’aanka lagu barto ee dalka Kenya, xilli uu halkaasi kaga qeyb galay munaasabadda xuska maalinta xorriyadda dalka.Madaxweyne Ruto ayaa sheegay in dowladda Kenya ay si rasmi ah u aqoonsan tahay dugsiyada Qur’aanka Kariimka lagu barto inay qeyb muhiim ah ka yihiin nidaamka waxbarashada dalka, isagoo carrabka ku adkeeyey in dowladdiisu ay bixin doonto mushaharka macallimiinta ka howlgala dugsiyadaasi

.Khudbad uu ka jeediyey munaasabadda ayuu ku sheegay in waxbarashada diintu ay door weyn ku leedahay kobcinta anshaxa bulshada, midnimada shacabka iyo barbaarinta jiilka cusub, islamarkaana dowladda Kenya ay doonayso in la taageero xarumaha bixiya waxbarashada Islaamiga ah.Go’aankan ayaa si weyn usoo jiitay dareenka bulshada Muslimiinta Kenya, gaar ahaan Soomaalida ku nool gobollada Waqooyi Bari oo muddo dheer dalbanayey in dowladda si rasmi ah u aqoonsato dugsiyada Qur’aanka iyo macallimiintooda

.Madaxweyne Ruto ayaa sidoo kale lagu tilmaamay hoggaamiyihii ugu horreeyey ee munaasabadda maalinta xorriyadda Kenya ku qabta dhulka ay Soomaalidu degto, arrintaas oo shacabka gobolka Waqooyi Bari u arkeen tallaabo muujinaysa in dowladda dhexe ay muhiimad gaar ah siinayso bulshadaasi.Tan iyo markii uu talada qabtay, Madaxweyne William Ruto ayaa dadaal xooggan ku bixiyey xoojinta xiriirka dowladda Kenya iyo bulshada Muslimiinta, gaar ahaan Soomaalida Kenya oo saameyn muuqata ku leh siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga dalka.
Dad badan oo falanqeeya siyaasadda Kenya ayaa aaminsan in tallaabooyinka uu Ruto qaaday ay qeyb ka yihiin qorshe uu ku doonayo inuu kasbado taageerada gobollada Soomaalidu degto, kuwaas oo door muhiim ah ka ciyaara doorashooyinka iyo xasilloonida dalka.Dhanka kale, culimada iyo waxgaradka Muslimiinta ayaa soo dhaweeyey hadalka Madaxweynaha, iyagoo ku tilmaamay tallaabo dhiirrigelin u noqon karta horumarinta waxbarashada diinta iyo kor u qaadista xuquuqda bulshada Muslimiinta ee Kenya.
