Hargeysa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Somaliland, Mudane Cabdillaahi Xasan Aadan, ayaa maanta ka qayb-galay shir heer sare ah oo ay isugu yimaaddeen Guddi-sareyaasha La Socodka Dhaqdhaqaaqyada Ganacsiga Afrika (NOC), Golaha Maamulka iyo Golaha Wadatashiga ee Hay’adda TradeMark Africa (TMA), kaas oo ay ka soo qayb-galeen masuuliyiin sare oo dawladeed, bah-wadaagta horumarinta iyo hoggaamiyeyaal ka kala socday dalal badan oo Afrikaan ah.
Shirkan muhiimka ah ayaa diiradda lagu saaray horumarinta ganacsiga qaaradda Afrika, xoojinta isku xidhka suuqyada, fududeynta isu-socodka badeecadaha iyo adeegyada, iyo sidii loo dardar-gelin lahaa hirgelinta heshiisyada ganacsi ee Afrika, gaar ahaan kuwa la xidhiidha Suuqa Xorta ah ee Afrika (AfCFTA).

Wasiir Cabdillaahi Xasan Aadan ayaa kulanka ka jeediyey hadal uu ku muujiyey muhiimadda ay Somaliland siinayso horumarinta ganacsiga, kobcinta dhaqaalaha iyo abuurista jawi maalgashi oo soo jiita ganacsatada gudaha iyo kuwa caalamiga ah. Waxa uu tilmaamay in horumar dhaqaale oo waara lagu gaadhi karo iskaashi dhow oo dhex mara dawladaha Afrika, hay’adaha horumarinta iyo ganacsatada gaarka loo leeyahay.
Wasiirku waxa uu sidoo kale xusay in Somaliland ay sannadihii u dambeeyey qaaday tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu casriyeynayo nidaamyada maaliyadda, kastamyada iyo adeegyada ganacsiga, si loo kordhiyo hufnaanta iyo tartanka dhaqaale ee dalka. Waxa uu carrabka ku adkeeyey in iskaashiga ay Somaliland la leedahay hay’adaha caalamiga ah sida TradeMark Africa uu door muhiim ah ka ciyaaray horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo fududeynta ganacsiga.

Doodaha iyo kulamada ka dhacay shirka ayaa lagu falanqeeyey caqabadaha hortaagan ganacsiga qaaradda Afrika, oo ay ka mid yihiin caqabadaha xuduudaha, kharashaadka sare ee gaadiidka, nidaamyada kala duwan ee ganacsiga iyo baahida loo qabo in la xoojiyo maalgelinta kaabeyaasha dhaqaalaha. Sidoo kale, waxaa la isla soo qaaday fursadaha cusub ee ka dhalan kara is-dhexgalka dhaqaale ee Afrika iyo korodhka ganacsiga u dhexeeya dalalka qaaradda.
Hay’adda TradeMark Africa (TMA) ayaa ka mid ah hay’adaha ugu waaweyn ee ka shaqeeya horumarinta ganacsiga iyo kobcinta dhaqaalaha Afrika, iyadoo taageerta mashaariic lagu hagaajinayo isu-socodka badeecadaha, adeegyada iyo maalgashiga. Shirarka noocan oo kale ah ayaa loo arkaa kuwo muhiim u ah samaynta siyaasado iyo qorshayaal lagu horumarinayo ganacsiga qaaradda.
Ka qaybgalka Wasiirka Maaliyadda Somaliland ee shirkan ayaa muujinaya doorka sii kordhaya ee Somaliland ay ka qaadanayso doodaha iyo qorshayaasha la xidhiidha horumarinta dhaqaalaha, ganacsiga iyo iskaashiga gobolka, iyadoo la raadinayo fursado cusub oo kor loogu qaado koboca dhaqaalaha iyo horumarka shacabka Somaliland.
