Aby Axmed oo loo saadaalinayo guul weyn doorashada Itoobiya, iyadoo Tigrey aysan codbixinta ka qeyb galeyn Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa loo badinayaa inuu ku guuleysto doorashada guud ee maanta ka qabsooneysa dalkaasi, iyadoo xisbiga talada haya ee Prosperity Party la filayo inuu helo aqlabiyadda kuraasta baarlamaanka iyo dowlad-goboleedyada dalka.
Doorashadan oo ah tii lixaad ee heer qaran ee Itoobiya tan iyo markii nidaamka xisbiyada badan la hirgeliyey, waxaa isu diiwaangeliyey in ka badan 50 milyan oo qof oo codbixiyeyaal ah. Si kastaba ha ahaatee, codbixintu kama dhaceyso gobolka Tigrey iyo qaybo ka mid ah gobolka Amxaarada sababo la xiriira xaaladaha amni iyo xasillooni darrada ka jirta deegaannadaas.
Guddiga Doorashooyinka Qaranka Itoobiya ayaa sheegay in xaaladaha gobolka Tigrey aysan weli u saamaxeyn qabashada doorasho xor iyo ammaan ah, kadib dagaalkii sokeeye ee culus ee halkaas ka dhacay intii u dhexeysay 2020 ilaa 2022 iyo xiisadaha siyaasadeed ee wali sii socda. Arrintan ayaa ka dhigeysa in malaayiin qof oo ku nool gobolkaasi aysan ka qeyb gelin doorashada maanta.
Falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa aaminsan in mucaaradka kala qeybsan iyo colaadaha ka socda gobollada Oromiya iyo Amxaarada ay si weyn u wiiqeen tartanka doorashada, taasoo fursad weyn siinaysa xisbiga Ra’iisul Wasaare Aby Axmed inuu sii xajisto talada dalka muddo kale.
Dhinaca kale, xisbiyada mucaaradka iyo qaar ka mid ah ururrada xuquuqda aadanaha ayaa dhaliilay hannaanka doorashada, iyagoo ku eedeeyay dowladda inay xaddidday fursadaha siyaasadeed iyo xorriyadaha rayidka, halka taageerayaasha dowladda ay ku doodayaan in doorashadu ay tahay tallaabo muhiim u ah xasilloonida iyo horumarka dalka.
Natiijooyinka hordhaca ah ee doorashada ayaa la filayaa in la shaaciyo maalmaha soo socda, iyadoo indhaha gudaha iyo kuwa caalamkuba si weyn ugu jeedaan sida ay u dhacdo doorashadan oo lagu tilmaamay mid saameyn weyn ku yeelan karta mustaqbalka siyaasadeed ee Itoobiya iyo guud ahaan Geeska Afrika.
