Manchester City Oo Ku Guuleysatay FA Cup-ka Kadib Guul Ay Ka Gaartay Chelsea

Manchester City Oo Ku Guuleysatay FA Cup-ka Kadib Guul Ay Ka Gaartay Chelsea

Guusha Manchester city ee koobka FA CUP

Kooxda Manchester City ayaa ku guuleysatay koobka FA Cup-ka xilli ciyaareedka 2025/2026 kadib markii ay 1-0 kaga adkaatay Chelsea kulan final ah oo ka dhacay garoonka Wembley Stadium ee magaalada London.

Kulankan oo ahaa mid si weyn loo sugayay ayaa ahaa final-kii ugu horreeyay ee FA Cup ay isku wajahaan labada kooxood, waxaana labada dhinacba ay doonayeen inay soo afjaraan waqtiyo adag oo koobkan ah. Manchester City waxay raadineysay koobkeedii 8-aad ee FA Cup halka Chelsea ay isku dayeysay inay joojiso guuldarrooyin xiriir ah oo finallo ah.

Qaybtii hore ee kulanka xalay

Qeybtii hore ee ciyaarta labada kooxood waxay muujiyeen taxadar badan, waxaana yaraaday fursadaha cadcad ee goolal lagu dhalin karay. Chelsea ayaa isku dayday inay kubadda maamusho mararka qaar, balse difaaca adag ee Manchester City ayaa hakiyay weeraradooda. Dhinaca kale kooxda Pep Guardiola ayaa si tartiib tartiib ah ula wareegtay maamulka ciyaarta. (

Goolka guusha waxaa Manchester City u dhaliyay xiddiga reer Ghana Antoine Semenyo daqiiqaddii 72-aad, kadib kubad qurux badan oo uu ka helay weeraryahanka Erling Haaland. Semenyo ayaa si cajiib ah kubadda cirib ugu leexiyay shabaqa Chelsea, waxaana goolkaas lagu tilmaamay mid kamid ah goolasha ugu quruxda badan finalada FA Cup sanadihii ugu dambeeyay.

Kadib goolkaas Chelsea waxay sameysay isku dayo badan oo ay ku dooneyso barbaraha, waxaana jiray dood ku saabsan rigoore ay dalbanayeen ciyaartoydooda qeybtii dambe, balse garsooraha ayaa diiday. Manchester City ayaa ugu dambeyn si adag u difaacatay natiijada ilaa dhammaadka ciyaarta.

Koobkan ayaa noqonaya koobki 8aad FA CUP

Guushan ayaa noqotay koobkii 8-aad ee FA Cup ay qaaddo Manchester City taariikhdeeda, sidoo kale waxay sii xoojisay guulaha tababare Pep Guardiola ee kubadda cagta England. Guardiola ayaa ciyaarta kadib sheegay in kooxdiisu aysan waqti badan u helin dabaaldeg sababtoo ah wali waxay ku jiraan tartanka horyaalka Premier League.

Dhanka Chelsea, guuldarradan ayaa sii kordhisay cadaadiska kooxda, gaar ahaan kadib xilli ciyaareed adag oo ay soo martay kooxda London. Wararka ka dambeeyay ciyaarta ayaa sidoo kale sheegay in Chelsea ay qorsheyneyso isbedello waaweyn oo dhinaca maamulka iyo tababarka ah xagaagan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *