Dagaalkabu dhaxeeya ruushka iyo Ukraine
Dagaalka Russia iyo Ukraine oo galay wejigii ugu halista badnaa kadib weerarro culus iyo digniino caalami ah Dagaalka u dhexeeya dalalka Russia iyo Ukraine ayaa maanta galay marxalad cusub oo aad u kacsan, kadib markii labada dhinac ay sameeyeen weerarro cirka ah oo culus kuwaas oo sababay khasaarooyin isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed.

Wararka kasoo baxaya magaalada Kyiv ayaa sheegaya in ciidamada Russia ay habeenkii xalay ku qaadeen weerarro gantaallo iyo diyaarado drone ah oo lagu bartilmaameedsaday xarumo tamar iyo goobo militari. Dowladda Ukraine ayaa sheegtay in difaacyadeeda cirka ay soo rideen tiro badan oo kamid ah diyaaradahaasi, balse weerarrada qaar ay gaareen bartilmaameedyo muhiim ah.
Ka jawabista dagaal ee ciidanka Ukraine
Dhanka kale, ciidamada Ukraine ayaa iyaguna weerarro jawaab celin ah ku qaaday gudaha dhulka Russia, gaar ahaan gobollo ku dhow xadka labada dal, halkaas oo la sheegay in saldhigyo ciidan iyo bakhaarro hub ay waxyeello kasoo gaartay.

Xiisaddan sii kordheysa ayaa walaac weyn ku abuurtay caalamka, iyadoo dalalka reer Galbeedka ay markale digniino adag u direen Moscow. Dowladda United States iyo xubno kamid ah Midowga Yurub ayaa ku baaqay in la joojiyo weerarrada sii hurinaya colaadda, iyagoo sheegay in dagaalku uu khatar ku yahay amniga Yurub iyo dhaqaalaha caalamka.
Madaxweynaha Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in dalkiisu sii wadi doono difaaca dhulkiisa ilaa laga gaarayo “guul buuxda”, halka Kremlin-ka uu ku adkeysanayo in howlgalka militari uu socon doono ilaa laga xaqiijinayo waxa ay ugu yeereen amniga Russia.
Gunanadka
Dagaalkan oo socday muddo dhowr sano ah ayaa sababay barakac malaayiin qof ah, burbur dhaqaale iyo sare u kac ku yimid qiimaha shidaalka, cuntada iyo tamarta dunida inteeda badan. Khubarada siyaasadda ayaa ka digaya in haddii aan xal diblomaasiyadeed la helin, uu dagaalku isu beddeli karo mid sii fida oo saameeya dalal kale oo Yurub iyo caalamka kamid ah.
