Qorshaha cusub ee FIfA ay so kordhisay
FIFA Oo Markii Ugu Horreysay Shaacisay Bandhigga Halftime-ka Finalka Koobka Adduunka 2026 Xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA ayaa si rasmi ah u shaaciyay qorshe cusub oo taariikhi ah oo lagu soo kordhinayo Finalka Koobka Adduunka 2026, kaas oo markii ugu horreysay yeelan doona bandhig halftime ah oo la mid ah kan caanka ka ah tartanka Super Bowl-ka Mareykanka.
War-saxaafadeed kasoo baxay FIFA ayaa lagu sheegay in bandhiggan weyn lagu qaban doono waqtiga nasashada ee ciyaarta finalka, iyadoo fanaaniin caalami ah oo ay ku jiraan Madonna, Shakira iyo kooxda K-pop-ka ee BTS ay hoggaamin doonaan munaasabaddaasi weyn.

Madaxweynaha FIFA ayaa sheegay inu qorshahani yahay
Madaxweynaha FIFA, Gianni Infantino, ayaa sheegay in qorshahan uu yahay tallaabo cusub oo lagu ballaarinayo madadaalada iyo soo jiidashada Finalka Koobka Adduunka, isaga oo xusay in tartanka 2026 uu noqon doono kii ugu weynaa ee abid la qabto. Waxa uu tilmaamay in malaayiin qof oo dunida daafaheeda ku kala nool ay si toos ah u daawan doonaan bandhiggaasi, taas oo sare u qaadi doonta sumcadda tartanka.
Finalka Koobka Adduunka 2026 ayaa lagu wadaa inuu ka dhaco dalalka United States, Canada iyo Mexico oo si wadajir ah u martigelinaya koobka. Tartankan ayaa noqon doona kii ugu horreeyay ee ay ka qeyb galaan 48 xul qaran, halkii ay markii hore ka ahaan jireen 32 dal.

Bandhigan ayaa si weyn lo hadal haya
Bandhigga halftime-ka ayaa durba si weyn looga hadal hayaa baraha bulshada iyo warbaahinta ciyaaraha, iyadoo taageerayaal badan ay ku tilmaameen tallaabo cusub oo isku xiraysa ciyaaraha iyo fanka. Qaar kale ayaa iyaguna qaba in FIFA ay isku dayeyso inay Finalka Koobka Adduunka u rogto dhacdo madadaalo oo ka baxsan kubadda cagta keliya.
Sidoo kale wararku waxay sheegayaan in FIFA ay qorsheyneyso in bandhigga lagu qabto garoon si gaar ah loogu diyaarin doono tiknoolajiyad casri ah, nalal waaweyn iyo qalab muusig oo heer caalami ah, si loo abuuro munaasabad ka duwan dhammaan finaladii hore ee koobka adduunka.
