Shirka Africa Forward Oo Nairobi Ka Furmay Iyo Qorshaha Cusub Ee Iskaashiga Afrika Iyo Faransiiska Shirka weyn ee Africa Forward Summit 2026 ayaa si rasmi ah uga furmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyadoo ay kasoo qeyb galeen in ka badan 30 hoggaamiye oo Afrikaan ah, madax ganacsi, maalgashadayaal iyo hay’ado caalami ah. Shirkan oo ay si wadajir ah u martigelinayaan Kenya iyo France ayaa noqday mid kamid ah kulamada ugu waaweyn sanadkan ee looga hadlayo mustaqbalka dhaqaalaha, tiknoolajiyadda iyo iskaashiga Afrika iyo Yurub.
DAAHFURTA SHIRKA AFRICA FORWARD SUMMIT
Madaxweynaha Kenya William Ruto iyo Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa si wadajir ah u furay shirka, iyagoo sheegay in Afrika ay hadda tahay xarunta ugu weyn ee kobaca dunida. Madaxweyne Ruto ayaa sheegay in qaaradda Afrika aysan ahayn meel gargaar sugaysa, balse ay tahay qaarad dhisaysa mustaqbal cusub oo ku dhisan hal-abuur, ganacsi iyo awood dhaqaale. Madaxweyne Macron ayaa isna carrabka ku adkeeyay in Faransiisku doonayo xiriir cusub oo ku dhisan iskaashi siman iyo ixtiraam.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray toddobo qodob oo waaweyn, kuwaas oo ay kamid yihiin tamarta cagaaran, sirdoonka macmalka ah (AI), dhaqaalaha badda, beeraha casriga ah, caafimaadka, amniga iyo dib-u-habeynta nidaamka maaliyadeed ee caalamka. Hoggaamiyeyaasha Afrika ayaa si gaar ah uga hadlay dhibaatada deynta iyo qiimeynta halista maalgashi ee lagu sameeyo dalalka Afrika, taas oo ay sheegeen inay caqabad ku tahay horumarka qaaradda.
HESHIIS YADA DHAQALE EE SHIRKA KASO BAXAY
Intii uu socday shirka waxaa sidoo kale lagu dhawaaqay heshiisyo dhaqaale oo gaaraya balaayiin euro, kuwaas oo la xiriira maalgashi cusub oo lagu sameynayo dekedaha, tamarta, teknoolajiyadda iyo kaabayaasha dhaqaalaha Afrika. Dowladda Faransiiska iyo shirkado waaweyn oo Yurub ah ayaa ballan qaaday inay kordhinayaan maalgashiga ay ka sameynayaan Afrika, gaar ahaan Bariga Afrika.
SHIRKII UGU HOREYAY EE NUCISA AH
Kulankan ayaa taariikhi ah maadaama uu yahay shirkii ugu horreeyay ee noociisa ah oo lagu qabto dal Afrikaan ah oo aan Faransiis ku hadlin. Arrintan ayaa loo arkaa isku day cusub oo Faransiisku ku doonayo inuu dib ugu dhiso xiriirkiisa Afrika kadib hoos u dhac ku yimid saameyntiisa dalal badan oo Galbeedka Afrika ah.
GUNANADKA
Shirka Africa Forward ayaa la filayaa inuu kusoo dhammaado warmurtiyeed rasmi ah oo lagu magacaabo “Nairobi Declaration”, kaas oo lagu qeexi doono qorshaha cusub ee iskaashiga Afrika iyo Faransiiska sanadaha soo socda.
