MUQDISHO IYO SAAKA
Xiisad Siyaasadeed Oo Ka Taagan Muqdisho Iyo Bannaanbaxii Ugu Weynaa Oo Saaka La Filayo Magaalada Muqdisho ayaa saaka ku waabarisatay jawi siyaasadeed oo aad u kacsan, kadib markii siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya ay ku dhawaaqeen bannaanbax ballaaran oo ay sheegeen inuu yahay mid shacabka lagu muujinayo cabashooyin la xiriira maamulka dowladda Federaalka, arrimaha doorashooyinka iyo eedeymo ku saabsan dhulal laga barakicinayo dadka shacabka ah. Bannaanbaxan ayaa noqday mid si weyn looga hadal hayo gudaha dalka, iyadoo xiisadda siyaasadeed ay gaartay heerkii ugu sarreeyay toddobaadyadii ugu dambeeyay.
CIDAMADA AMAANKA OO WADOYINKA DADSAN
Wararka laga helayo Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka dowladda si weyn loogu daadiyay waddooyinka muhiimka ah ee magaalada, gaar ahaan Isgoysyada KM4, Taleex, Tarabuunka iyo nawaaxiga Madaxtooyada Villa Soomaaliya. Ciidamada ayaa la sheegay inay sameynayaan baaritaanno adag, halka gaadiidka qaarkood la joojiyay si looga hortago rabshado iyo qalalaase amni oo ka dhasha isu soo baxa la qorsheeyay.
HOGAMIYAYAL HORE IYO SIYASIYIN AYAA TAGERAY BANAN BAXA
Hoggaamiyeyaasha mucaaradka oo ay kamid yihiin madaxweynayaal hore, xildhibaano iyo siyaasiyiin caan ah ayaa taageeray bannaanbaxan, iyagoo ku baaqay in shacabka Muqdisho ay si nabad ah uga qeyb qaataan mudaharaadka. Mucaaradka ayaa dowladda ku eedeeyay inay ku fashilantay ilaalinta xuquuqda shacabka, isla markaana ay jirto caburin siyaasadeed iyo faragelin lagu hayo arrimaha dastuurka iyo doorashooyinka dalka.
CABASHOYINKA SHACABKA AYA XOJIYAY BANAN BAXA
Sidoo kale, arrimaha ugu weyn ee bannaanbaxa sii huriyay waxaa kamid ah cabashooyin kasoo baxay dadka deganaa dhulal ku yaalla Muqdisho oo la sheegay in laga burburiyay guryo iyo goobo ganacsi. Qaar kamid ah shacabka ayaa dowladda ku eedeeyay inay waddo qorshe dhulal looga qaadayo dadka danyarta ah, taas oo dhalisay caro xooggan iyo baaqyo ku aaddan in la joojiyo burburinta lagu hayo xaafadaha qaar.
DAWLADA IYO DIIDMADA QALALASE DHACA
Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay xaq u leedahay sugidda amniga caasimadda, islamarkaana aysan oggolaan doonin wax qalalaase ah oo amniga wax u dhimaya. Mas’uuliyiin katirsan dowladda ayaa sheegay in shacabka loo oggol yahay cabashadooda, balse aan la aqbali doonin falal rabshado wata ama isku dayo lagu carqaladeynayo nabadgelyada Muqdisho.
DHEX DHEXADINTA HOOSE EE LA WADO
Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in dadaallo hoose oo dhex-dhexaadin ah ay socdaan si loo dejiyo xiisadda siyaasadeed, iyadoo odayaal, culimo iyo xubno bulshada rayidka ah ay ku baaqeen in dowladda iyo mucaaradka ay wada hadal ku xalliyaan khilaafka jira si looga fogaado xaalad amni darro oo ka dhalata bannaanbaxa maanta la filayo.
SHACABKA AYAA HADAL HAYA XALADA CAKIRAN EE DALKA
Shacabka Muqdisho ayaa saaka si weyn u hadal haya xaaladda cakiran ee magaalada, waxaana dadka qaar ay cabsi ka muujinayaan in bannaanbaxa isu beddelo iska hor imaadyo dhex mara ciidamada ammaanka iyo dibadbaxayaasha. Ganacsiyo badan ayaa albaabada loo laabay, halka isku socodka dadka iyo gaadiidkuna uu si weyn u yaraaday saacadihii hore ee saaka.
BANAN BAXAN AYAA NOQONKARA MID SAMAYN WEYN YEESHA
Bannaanbaxan ayaa noqon kara mid saameyn weyn ku yeesha xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, maadaama uu kusoo beegmayo xilli dalka uu wajahayo murano siyaasadeed oo la xiriira doorashooyinka, dastuurka iyo maamulka amniga guud ee dalka. Xiisadda maanta ka taagan Muqdisho ayaa indhaha shacabka iyo beesha caalamka si weyn usoo jiidatay, iyadoo la sugayo sida ay xaaladdu isu beddesho saacadaha soo socda.
