maxaa keenay hoos u dhaca kooxda arsenal ee sanadkaste bisha April kooxda arsenal waxay haatan dareemaysaa cadadiskii ugu sareyay qiyaastii hal bil ka hor waxay ahayeen kooxda kaalinta kobaad kaga jirtaa kooxaha ugu fiican ee dunida xili ciyareedkan waxayna ka mid ahayeen kooxo yar oo rajaynayay inay ku dhamaystaan xili ciyareed iyaga oo ku guulaystay 3 koob oo midka mid ahi uu yahay tartamada yurub xitaa waxay doonayeen inay noqdaan kooxda ugu horaysay ee ciyaarta preimer league ee ku gulaysata afarta koob ee ugu waaweyn wakhtigaasna waxay u muuqatay inay taasi si dhab ah u samaynkarto madama ay ahayeen kuwo aan la joojinkarin balse sawirka oo dhan ayaa si weyn isku badalay todobaadyadii ugu danbeyay waxayna u muuqata inay wax walba burbureen halkii ay ka hiigsanayeen afar koob hada waxay u tartamayaan kaliya labo koob xita labadasii koob awoododa ku aadan qaadista koobka aad ayay usii difacaysaa todobaadyadii ugu danbeyay
su ashuna waxay tahay maxaa dhacay sidee ayay arsenal si kadis ah ugu noqotay koox daciif ah taasina waa waxay aynu ku falaqayn doono qoraalkan ee soo dhawow
ugu horayn hoos u dhaca arsenal wuxu si toosa ugu xidhanyahay maskaxdooda guuled kooxda ciyaartoydeedu mahaa kuwa gaadhay halkii ay ku dhamaysan lahayeen shaqadii ay so qabteen xili ciyareedka ee kama danbayta ahayd sadex sano oo xidhiidha ayay kaalinta 2aad ku dhamaysanayaan horyaalka premier league Mana aysan ku guulaysan wax koob ah marka laga reebo comonati shiilka
markii uu arteta ku hogamiyay arsenal ku guulaysiga fa Cup ka sanadkii 2020kii waxaa u sidasi ku sameyay koox ka duwan gabi ahaanba mida haatan u haysto sidaas daradeedna waxad odhankartaa ciyaartoydani waa kuwa cusub ku guulaysiga kobab waweyn waxay u baahantahay maskax guuled oo weyn si lamid sida aad ugu baahantahay farsamo jidheed iyo mid maskaxeed oo cajiib ah lakin maskaxdasi waxay u muuqata inay ka maqantahay arsenal hada arintanina marar badan ayaynu aragnay oo markaste oo xaladu adkaato waa ay burburaan sawirkani waa lixdii xili ciyareed ee ugu danbeyay arsenal waxaa ay jabtaa bisha April waana xiliga la gurto midhaha dadalkii xili ciyareedka oo dhan hadii aad kufto bishan waxay ka dhigantahay wixi aad so qabatay oo dhan waxba kama jiraan
Waxay si fican ku bilabeen xili ciyareedkan lakin marki la gadhay wakhtigii go amin lahaa dadalkooda xili ciyareedka ee kobabka ay ku guulaysan lahayeen ayay jabeen waxay hada ku jiran xalad ah inay sadex guuldaro la kulmeen afartii kulan ee ugu danbaysay intaas waxaa dheer halka kulan ee ay gulaysteen waa kulan ay ku gulaysteen gool yimiday daqiiqadihi ugu danbeyay uu ciyaarta marka aad eegto xogta waa mid iska cad xaladu waxaa laga adkaday kaliya 3 kulan 49 kulan ee ugu horeyay lakin hada waxay lumiyeen 3 ka mid ah afartii kulan ee ugu danbeyay tanina waxay muujinaysaa inay wali ka maqantahay maskaxdii ka gudbin lahayd wakhtiga adag sido kale wayo aragnimadoodi hore ayaa samayn kuleh hal qalad oo xiligan oo kale dhaca ayaa keenikaraa samayn aan hadhi doonin
Hal guuldaro ka dib ciyaartoydu waxay bilaabi doonan inay xasuustan sida ay fursadahan oo kale uso mareen oo ay u lumiyeen xili ciyareedyo hore markasina cabsi ayaa gasha taasina waa bilowga burburkooda sababta kale ee hoos u dhaca keentay waa fikrad la aanta kooxda
Bilowgii xili ciyareedka arsenal waxay dhalin jireen golal badan oo ka yimaada kubadaha madaxa loo yaqano tasina waxay ahayd mid fiican lakin waxay u muuqata inay si xad dhaafa ugu tiirsanayen hada waxay u muuqdaan kuwa bila hal abuur ah gaar ahaan marka la ciyarayo kubadaha furan ee bartamaha garoonka marka kubadaha laso qaado ee aysan si fican uga shaqayn kubadaha madaxu waxay noqdaan kuwa jahwareersan kooxaha kalena si fican ayay u daraseeyen waxayna barteen sida lo joojiyo marka la joojinayana arsenal waxay ku dhimatoota inay abuuran fursado golal lagu dhalin karo tani hadal oo kaliya mahaa ee tiro koobyada ayaa sheegaya kulanki u danbeyay ee ay la ciyareen Bournemouth goolasha la filankaray ee ay ku sameyeen ciyarta open play ga 0.19 taaso muujinaysa inay u dhawadeen inaysan wax fursad ah abuurin marka laga reebo kubadaha madaxa sidasi daradeedna lama yaabayno in halka gool ee ay dhaliyeen uu ahaa mid yimid ka dib koorne ay soo tuurteen oo rigoore lagu galay isla markana aysan wax khatar weyn ah aysan samaynin ciyaarta marka laga reebo kubadaha koornaha ahaa kulankii ay la ciyareen sport lesboon na fursadaha gool lo filankarayay ee ay sameyeen 0.88 kulanki Southampton waxay ahayd 1.0 taaso ah wax ka yar intii ay samaysay kooxda heerka labaad Southampton kulankii league Cup ee ay laciyareen Manchester city kaliya waxay heleen celcelis ahaan 0.65 fursadaha gool lo filankarayay ee kaga yimid open play ga
waxaa sido kale jirta arinta daalka tageeraysha kooxaha kale waxay u arki karaan marmarsiyo lakin samayntiisa layskama indho tirikaro marka ay kooxi u tartamayso afar koob oo kala duwan dhamaantoodna ay kusii socoto culayska jidheed ayaa ah mid aad u weyn arintani kuma koobna uun arsenal ee waxay nu ku arag Liverpool xili ciyareedki hore sido kale real madrid xili ciyareedkan taasina waa sababta lo yidhaahdo kooxaha ka ciyaara horyaalada tartanka adagi ka jirin waxay fa iido ku qabaan tartana yurub waxay nasinkaraa ciyaartoydooda muhiimka ah halka arsenal aysan taasi u sahlanayn si kaste ha ahate dadka qaar ayaa aminsan in tababaraha iyo shaqalaha kooxdu ay qayb ka yihiin dhibatada kooxda madama ay waajibku tahay inay si saxan u isticmaalan ama isku badalka ciyaartoyda si kuwa ficaani ay u noqdaan fresh kulamada waaweyn xaqiiqduna waxay tahay inaysan si fican u samaynin arintasi xili ciyareedkan
Sababta kale ee weyn waa hoos udhaca bukaya zaka werarkani wuxu ka hooseya heerkiiisi caadiga ahaa sido kalena dhawac ayuu hataan ku maqanyahay taaso samayn weyn ku yeelanaysa kooxda waagi hore bukaya saka wuxu ahaa ciyaaryahanka kooxda dhabarka ku sida marar badan waxaana u ahaa kan farqiga sameeya saka oo cafimaad qaba xili ciyareed fiicana ku jira waxaa u awood uleyahay inu jabiyo dafacyada oo u wax ka abuuro meel anu waxba ka jirin
lakin marka la waayo bandhigiisa saaxirka ahaa arsenal way dhibatoonaysa tanina sido kale kaliya arsenal kuma koobna ee real madrid waxay la dhibatoonaysa hadii ay waydo vini Jr bayern Munich waxay ay ku dhibatoon lahayd hadii ay waayi lahayd olise Manchester city na mudo badan ayaa laga daremayay maqnaanshaha rodri Barcelona waxay la dhibatoon lahayd hadii u ka maqnaan lahaa lamine yamal haatana waxay tabaysaa maqnaanshaha rafinha
Kooxkaste oo weyn waxay si weyn ugu tiirsan tahay xidigaheeda waa weyn marka ay maqnaadan amaba ay ciyaartisu hoos u dhacdo waa macquul ah in xili ciyareedka oodhan uu khalkhalo taasi ayaana haystaa hada arsenal
