Maalmihi u danbeyay waxaa so baxayay warar isa soo taraya oo sheegaya in madaxtooyada somaliya ay bilowday qorshe baladhan ooo dib u habayn ah oo lagu samaynayo ciidamada ilaalada gaar ahaan kuwa ka hawlgala gudaha xarunta ugu saraysa ee dalka xogaha ayaa tilmaamaya in qorshahani uu si gaara u beegsanayo askarta iyo sarakiisha lagu tuhunsanyahay inay xidhiidh dhow la leyihiin xubnaha mucaradka ee ku sugan magalada muqdisho talabadan ayaa la shegaya inay qayb ka tahay dadaal baladhan oo lagu xoojinayo amniga madaxtooyada iyado sido kale la doonayo in laga hortago khatar kaste oo imankarta xili siyasadeed oo xasasi ah wararku waxay sheegayaan in hal maalin gudaheed gaar ahaan maalin shalay ahayd la badalay in ka badan 70 xubnood oo ka tirsana guutada 77 kuwasi oo iskugu jira askar iyo sarakiil ciidamadan ayaana lo wareejiyay xarumaha wasarada gashaan dhiga iyaga oo lagu war geliyay in mar danbe aanay so gali donin madaxtooyada dalka laga maamulo
Sarakiil xog ogaal ah ayaa sheegaya in qorshahaani uu ka yimid hoganka sare ee guutada kufiyad casta madaxtooyada kuwasi oo bilaabay in ay si nidaamsan uga saraan madaxtooyada askar kaste oo laga shakiyo dacadnimadooda ujeedada ugu weyn ayaana lagu sheegay in laga fogaado xaladkaste oo keeni karaysa kala qaybsanaan iyo amardiido xili dhow oo la filayo mid siyasiyan xasasi ah
Wararka ayaana sido kale tilmaamaya in si gaara lo beegsanayo askarta qarabada la ah xubno mucarad ah gaar ahaan labada siyaasi oo misan culus ku leh mucaradka muqdisho cabsi laga qabo in askartani ay u jandheesadaan dhinacyada mucaradka marka uu so dhawado dhamaadka mudo xileedka somaliya waxaa la filaya talabadan inay sababtay sidaasi
Dhinaca kale bosaska ay ka baxeen ciidamadasi ayaa lagu buxiyay askar cusub oo dhawan la qoray kuwaasi oo la shegay in si buuxda lo marin hab raacyadii caadiga ahaa ee qorista ciidamada ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in qaar ka mid ah askartan cusub ay yihiin dad xidhiidh qarabo la leh madaxweyne xassen sheikh maxamud taaso si kordhisay walaca laga qabo in ciidamada madaxtooyada lo adeegsado dano siyasadeed
War bixintu waxay sido kale xusaysaa in talaboyinkani ay La xidhidhaan qorshayaal siyasadeed oo baladhan oo ay ka mid yihiin dadalo lagu doonayo in lagu dheeriyo xukunka ama lagu meel mariyo ajande la xidhiidha doorashooyinka dalka inkaste oo anay jirin cadayn rasmi ah oo arintani xaqiijinaysaa hadana falaqeeyasha siyasada ayaa tilmaamaya in isbadalada ka socda gudaha villa somaliya ay muujinayan diyaargalow siyasadeed oo xoogan
Todobadyo ka hor waxaa sido kale la sameyay tiro koob baladhan oo aan horay loo samayn ciidamada ku sugan magalada muqdisho gaar ahaan kuwa fariisima kuleh magalada muqdisho tiro koobkan ayaa la sheegay in lagu kala saarayo askarta iyada oo lagu salaynayo qabiiladooda taaso dhalisay dood weyn iyo walaac ku saabsan in ciidamada qaranka lo adeegsado qaab aan xirfadaysnayn ka dib tiro koobkasi ayaa la sheegay in si tartiib ah lo biilabay isbadalka iyo kala wareejinta ciidanka iyada oo ay hada si buuxda u muuqato in qorshahasi galay marxalad dhaqan galin ah
Falaqeeyasha siyasada iyo amniga ayaa shegaya in talaboyinkani ay yeelankaraan samayn baladhan oo ku saabsan kalsonida lagu qabo ciidamada hadii la dareemo in lagu salaynayo arimo qabiil ama siyasadeed waxayna sido kale ka digayaan in isbadaladani ay keeni karaan kala qaybsanan ciidamada gudaha ah taasi oo halis galinkarta xasiloonida guud ee dalka somaliya
Dhinaca kale tageerayasha dawlada ayaa ku doodaya in talaboyinkani ay yihiiin kuwa lagama maarman u ah sugida amniga madaxtooyada iyo ka hortaga khataraha amni ee imaankara waxana ay tilmaamayan in villa somaliya xarun aad u xasasi ah oo u bahan ilaali heer sare ah
Mucaradka ayaa si adag uga so hor jeedsaday arintani iyago oo ku edeyay dawlada in si ula kac ah u wiiqayso hayadaha amniga si ay ugu adeegsato dano siyasadeed waxana ay sido kale shegeen in talaboyinkani ay muujinayan cabsi siyasadeed oo ku jirta hogaanka sare dalka xalada ka tagan villa somaliya ayaa mujinaysa xalad siyasadeed oo aad u xasasi ah oo dalka Somalia uu ku jiro isbadalada lagu samaynayo ciidamada ilaalada madaxtooyada ayaa noqonkaraa kuwa samayn kuleh jahada siyasadeed iyo amni ee dalka somaliya gaar ahaana marka la eego doorashoyinka iyo muranada siyasadeed ee si xoogaysanaya
Mucaadka somaliya ayaa si maalin malin ah u tiranaya mudada u hadhay madaxweyne hassen sheikh maxamud oo ku eeg 15 may Mana muuqata qorshe ay dawladu ay ugu iil qadayso rajada mucaradka ee la xidhiidha in la qabto doorashooyin dad ban iyado ta badalkeedana ay dawladu somaliya dardargalinaysay in guud ahaan dalka laga hirgaliyo doorashoyin qof iyo cod ah oo hatanba si weyn uga socda meelo badan oo ka tirsan dalka iyado dhawana magalada baydhabo laga bilaabi doono doorashoyinka qof iyo codka ah waliba iyaga oo ah kuwa isku sidkan
