Maraykanka oo Qorsheynaya Xarun Lagu Daweeyo Muwaadiniintiisa Ku Sugan Afrika ee uu Ku Dhaco Cudurka Ebola Dowladda Maraykanka ayaa qorsheynaysa inay si rasmi ah shaqo u bilowdo xarun caafimaad oo gaar ah oo loogu talagalay daaweynta muwaadiniinta Maraykanka ah ee ku sugan qaaradda Afrika kuwaas oo uu ku dhaco cudurka halista badan ee Ebola. Qorshahan ayaa yimid kadib markii ay sare u kacday walaaca laga qabo cudurrada faafa ee mararka qaar ka dilaaca qaar ka mid ah waddamada Afrika.
Wararka ayaa sheegaya in xaruntan cusub ay noqon doonto mid si casri ah u qalabeysan, laguna daweyn doono shaqaalaha safaaradaha Maraykanka, ciidamada, dhaqaatiirta, shaqaalaha samafalka iyo muwaadiniinta kale ee Maraykanka ah ee ku nool ama ka shaqeeya Afrika.
Saraakiil caafimaad oo Maraykan ah ayaa sheegay in ujeeddada ugu weyn ee xaruntan ay tahay in si degdeg ah loogu daweeyo dadka uu ku dhaco Ebola iyadoo aan loo baahnayn in si degdeg ah loogu qaado gudaha Maraykanka, arrintaas oo waqti badan qaadan karta isla markaana khatar caafimaad abuuri karta.
Cudurka Ebola ayaa kamid ah cudurrada ugu halista badan dunida, waxaana lagu kala qaadaa dheecaannada jirka. Cudurkan ayaa sababa qandho daran, dhiig-bax iyo xaalado caafimaad oo aad u khatar badan, waxaana hore uga dillaacay dalal badan oo kuyaalla Galbeedka iyo Bartamaha Afrika.
Qorshahan cusub ayaa sidoo kale qayb ka ah dadaalka Maraykanka ee lagu xoojinayo la dagaallanka cudurrada faafa ee Afrika, gaar ahaan kadib casharradii laga bartay cudurkii Ebola ee sanadihii hore kumannaan qof ku dilay dalalka Liberia, Sierra Leone iyo Guinea.
Wararka qaar ayaa sheegaya in xarunta la qorsheynayo laga hirgelin karo mid kamid ah waddamada Bariga ama Galbeedka Afrika ee ay Maraykanku ku leeyihiin saldhigyo caafimaad iyo xiriir amni oo xooggan, inkastoo aan wali si rasmi ah loo shaacin goobta saxda ah ee xarunta laga dhisayo.
Khubarada caafimaadka ayaa sheegay in tallaabadan ay muhiim u tahay ilaalinta caafimaadka shaqaalaha iyo muwaadiniinta Maraykanka ee ku sugan Afrika, maadaama qaaradda ay mararka qaar kasoo baxaan cudurro faafa oo khatar ku noqda bulshada caalamka.
