Ciidamo Taabacsan Cabdicasiis Laftagareen Oo Soo Gaaray Duleedka Baydhabo Iyo Xiisad Siyaasadeed Oo Cirka Isku Shareertay

Ciidamo Taabacsan Cabdicasiis Laftagareen Oo Soo Gaaray Duleedka Baydhabo Iyo Xiisad Siyaasadeed Oo Cirka Isku Shareertay

Wararka laga helayo duleedyada magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay ayaa sheegaya in halkaasi ay gaareen ciidamo aad u hubeysan oo la sheegay inay taabacsan yihiin Madaxweynihii hore ee Maamulka South West State, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Ciidamadan oo wata gaadiid dagaal iyo hub culus ayaa lagu arkay deegaanno ku dhow magaalada Baydhabo, iyadoo wararku sheegayaan in ciidamadaasi ay hoggaaminayeen Wasiirkii hore ee Amniga maamulka Koonfur Galbeed xilligii Laftagareen iyo saraakiil kale oo ciidan.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqa ciidamada uu cabsi iyo walaac ka abuuray magaalada Baydhabo iyo nawaaxigeeda, maadaama xaaladda siyaasadeed ee maamulka Koonfur Galbeed ay maalmihii dambe ahayd mid kacsan. Dadka deegaanka ayaa ka baqaya in dhaq-dhaqaaqyadaasi ay horseedi karaan isku dhacyo ciidan ama xiisado amni oo cusub.

Wararka qaar ayaa tilmaamaya in ciidamadaasi ay doonayaan inay muujiyaan awood ciidan iyo taageerada ay weli ku leeyihiin qaybo kamid ah ciidamada iyo siyaasiyiinta maamulka Koonfur Galbeed, xilli ay jiraan khilaafyo siyaasadeed iyo loollan ku saabsan hoggaanka maamulkaasi.

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka hadda ka jira Baydhabo ama dowladda federaalka Soomaaliya oo ku saabsan ujeedka rasmiga ah ee ciidamadaasi usoo gaareen duleedyada magaalada. Sidoo kale lama oga haddii ciidamadaasi ay qorsheynayaan inay gudaha u galaan magaalada ama ay halkaasi ku sugan yihiin ujeeddooyin amni iyo kuwo siyaasadeed.

Dadka falanqeeya siyaasadda Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in dhaq-dhaqaaqan uu kusoo beegmayo xilli xaaladda siyaasadeed ee maamulkaasi ay mareyso marxalad xasaasi ah, iyadoo ay jiraan isbedello siyaasadeed, kulamo iyo abaabulo ay wadaan siyaasiyiin kala duwan oo doonaya inay saameyn ku yeeshaan jihada maamulka.

Magaalada Baydhabo ayaa hore dhowr jeer u martay xiisado siyaasadeed iyo kuwo ciidan oo la xiriiray khilaafaadka hoggaanka maamulka Koonfur Galbeed, waxaana mar kasta jiray dadaallo lagu doonayay in xaaladahaasi lagu xalliyo wada hadal iyo is afgarad siyaasadeed.

Wararka hadda jira ayaa sidoo kale sheegaya in saraakiisha amniga ee magaalada Baydhabo ay kordhiyeen feejignaanta ciidamada, iyadoo la adkeeyay ammaanka xarumaha dowladda iyo goobaha muhiimka ah ee magaalada, si looga hortago xaalad kasta oo amniga wax u dhimi karta.

Shacabka Baydhabo ayaa si weyn u hadal haya dhaq-dhaqaaqa ciidamadaasi, iyadoo qaar badan ay walaac ka muujinayaan in magaalada ay markale gasho jawi siyaasadeed iyo mid amni oo cakiran, halka qaar kalena ay u arkaan arrin la xiriirta loollanka siyaasadeed ee ka dhex socda hoggaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ilaa hadda xaaladdu waxay tahay mid deggen inkastoo xiisaddu ay muuqato, waxaana la filayaa in saacadaha ama maalmaha soo socda ay soo baxaan faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan ujeedka ciidamadaasi iyo sida ay uga falcelin doonaan maamulka Koonfur Galbeed iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *