Taliyeyaal Sare oo ka Tirsanaa Qaybta 60-aad ee Xoogga Dalka oo Ku Geeriyooday Dagaal Ka Dhacay Duleedka Baydhabo

Taliyeyaal Sare oo ka Tirsanaa Qaybta 60-aad ee Xoogga Dalka oo Ku Geeriyooday Dagaal Ka Dhacay Duleedka Baydhabo

Warar laga helayo gobolka Baay ayaa xaqiijinaya in laba taliye oo sare oo ka tirsanaa Qaybta 60-aad ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku geeriyoodeen dagaal culus oo ka socda duleedka magaalada Baydhabo.

Magacyada taliyayasha geeriyoday

Taliyeyaasha geeriyooday ayaa lagu kala magacaabi jiray Col. Yoonis Aadan iyo Col. Cali Caddow, kuwaasi oo ahaa taliyeyaasha guutooyinka 8-aad iyo 9-aad ee Qaybta 60-aad ee ciidamada dowladda Soomaaliya. Labadan sarkaal ayaa la sheegay inay si toos ah ugu sugnaayeen furimaha dagaalka xilli uu socday iska horimaad xooggan.

Dagaalka ka dhacay duleedka baydhabo kgs

Dagaalka ayaa la sheegay inuu ka dhacay deegaano dhaca duleedka Baydhabo, halkaasi oo ciidamada dowladda iyo kooxaha hubeysan ay ku dagaallamayeen saacadihii lasoo dhaafay. Ilo deegaanka ah ayaa sheegaya in dagaalka uu sababay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaallamay.

Geerida labada taliye ayaa loo arkaa mid saameyn ku yeelan karta howlgalada ciidamada ee gobolka, maadaama ay ahaayeen saraakiil door muhiim ah ku lahaa hoggaaminta ciidamada Qaybta 60-aad.

Gunanadka

Ilaa hadda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo taliska ciidamada xoogga dalka si rasmi ah uga ma aysan hadlin faahfaahinta dagaalka iyo khasaaraha ka dhashay, hase yeeshee wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in xaaladdu weli kacsan tahay, isla markaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan ay ka socdaan aagga uu dagaalku ka dhacay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *