Banaanbax Looga Soo Horjeedo Dhul Boobka Muqdisho Oo Mucaaradku Ku BaaqeenMagaalada Muqdisho ayaa maanta wajahaysa xiisad siyaasadeed iyo dood adag kadib markii siyaasiyiin mucaarad ah, waxgarad iyo qeybaha bulshada ay ku dhawaaqeen banaanbax weyn oo looga soo horjeedo waxa ay ku tilmaameen “dhul boob iyo barakicin shacabka lagu hayo.”
Wakhtiga banan baxa lagu balansanyahay
Banaanbaxa oo lagu balansan yahay 10-ka May ayaa si weyn looga hadal hayaa gudaha magaalada, iyadoo abaabulkiisu uu ka socdo degmooyin kala duwan.Mucaaradka ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay waddo qorshe lagu burburinayo guryo iyo goobo ay deganaayeen dad shacab ah, gaar ahaan dadka danyarta ah ee ku nool xaafadaha qaar ee Muqdisho. Waxay sheegeen in qoysas badan laga saaray dhul ay muddo dheer daganaayeen, iyadoon loo sameyn qorshe dib u dejin ama magdhow rasmi ah. Dadka qaar ayaa sheegay inay waayeen hoygoodii iyo hantidoodii kadib markii cagafyo lagu burburiyay dhismayaal ku yaallay xaafado ka tirsan magaalada.Sawirrada iyo muuqaallada lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya goobo burbursan, qoysas barakacay iyo dad ka cabanaya xaalad adag oo kasoo wajahday howlaha duminta.
Kadiska cagafta iyo ogaysiis la aanta
Qaar kamid ah shacabka ay saameysay arrintan ayaa sheegay in aan horay loo siin ogeysiis ku filan, halka kuwo kale ay ku andacoonayaan in dhulka laga qaaday si dano gaar ah loogu wareejiyo ganacsato iyo dad awood leh.Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda sheegtay in howlaha socda ay qeyb ka yihiin dib u habeyn iyo qorshe lagu nadiifinayo goobaha sharci darrada lagu degay. Mas’uuliyiin dowladda katirsan ayaa ku dooday in dhulka qaar uu ahaa hanti dowladeed ama waddooyin iyo goob dadweyne oo si sharci darro ah loo degay sanadihii burburka kadib. Dowladda waxay sheegtay in qorshuhu yahay horumarinta caasimadda iyo soo celinta bilicda magaalada Muqdisho.Si kastaba ha ahaatee, mucaaradka iyo dadka dhaliilsan dowladda ayaa arrintan ku tilmaamay mid siyaasadaysan oo lagu dhibaateynayo shacabka nugul. Waxay ku eedeeyeen maamulka inuu awood ciidan u adeegsanayo dadka masaakiinta ah, iyagoo sheegay in tallaabooyinkaasi ay sii kordhinayaan caro shacabka dhexdeeda ah.Baaqyada banaanbaxa ayaa si weyn ugu faafay baraha bulshada, waxaana dadka lagu boorinayaa inay si nabad ah uga qeyb qaataan mudaharaadka lagu dalbanayo in la joojiyo duminta iyo barakicinta. Qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa sheegay in shacabka Muqdisho ay xaq u leeyihiin inay muujiyaan cabashadooda iyo sida ay uga soo horjeedaan waxa ay ugu yeereen dulmi iyo xoog ku qaadis dhul.
Cabsida la qabo iyo dhanka amniga
Dhanka amniga, waxaa jirta cabsi laga qabo in banaanbaxa uu keeni karo isku dhac haddii xaaladda siyaasadeed ay sii kululaato. Ciidamada ammaanka ayaa la sheegay inay kordhiyeen feejignaanta magaalada, gaar ahaan goobaha la filayo inay dadka ku kulmaan. Dad badan oo reer Muqdisho ah ayaa hadda si dhow ula socda sida xaaladdu isu beddeli doonto maalmaha soo socda.Khilaafka ku saabsan dhulka iyo barakicinta ayaa muddooyinkii dambe noqday mid kamid ah arrimaha ugu muranka badan ee ka jira Muqdisho, iyadoo shacabka qaarkood ay ka cabanayaan in awood iyo saameyn loo adeegsanayo lahaanshaha dhulka. Banaanbaxa lagu dhawaaqay ayaa hadda loo arkaa mid muujinaya heerka ay gaarsiisan tahay caro siyaasadeed iyo mid bulsho oo ka dhalatay xaaladdaas.
