Wararkii ugu xooganaa ee maanta suuqa kala iibsiga kubadda cagta ayaa noqday kadib markii FC Barcelona ay si rasmi ah ugu dhawaatay heshiiska xiddiga garabka uga ciyaara Newcastle United F.C. ee Anthony Gordon, iyadoo kooxda reer Catalonia ay ka dulboodday kooxo waaweyn oo Yurub ah oo ay ugu horreeyaan FC Bayern Munich iyo kooxo dhowr ah oo ka ciyaara Premier League kuwaas oo muddo dheer doonayay saxiixa ciyaaryahanka reer England.
Ilo dhow oo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegaya in Barcelona ay gudbisay dalab dhan 80 milyan oo euro, taasoo muujineysa sida maamulka kooxda uu uga go’an yahay in Anthony Gordon laga dhigo mashruuca cusub ee kooxda xilli ciyaareedka soo socda. Wadahadallada ugu dambeeya ayaa hadda si toos ah uga socda Barcelona iyo Newcastle, waxaana la rumeysan yahay in heshiiska uu marayo heer gabagabo ah haddii aanay wax isbedel degdeg ahi dhicin.
Anthony Gordon ayaa loo arkaa mid kamid ah ciyaaryahanada ugu xawaaraha badan uguna halista badan Premier League sanadihii dambe, gaar ahaan qaab ciyaareedkiisii Newcastle oo sare u qaaday qiimihiisa suuqa. Barcelona ayaa rumeysan in Gordon uu si fiican ugu habboon yahay nidaamka weerar ee kooxda, maadaama uu leeyahay xawaare, farsamo iyo awood uu ku jebin karo difaacyada adag, taas oo kooxda ka maqneyd xilli ciyaareedyadii dambe.
Dhanka kale, taageerayaasha Barcelona ayaa aad u hadal haya warkan, iyadoo qaar badan ay sheegayaan in tani ay tahay saxiixii ugu weynaa ee kooxda sameyso tan iyo markii maamulka cusub uu bilaabay dib u dhiska kooxda. Waxaa sidoo kale soo baxay dood xooggan oo ku saabsan dadka horay u diidanaa wararkan suuqa kala iibsiga, kuwaas oo hadda lagu maadsanayo hadalkii ahaa: “Muxuu yaqaan kan?” iyadoo taageerayaashu ku jawaabayaan “Adeer, mararka qaar waaleysuu qiraa.”
Haddii heshiiskan uu rasmi noqdo, Anthony Gordon wuxuu noqon karaa mid kamid ah saxiixyada ugu yaabka badan xagaagan, waxaana Barcelona ay fariin cad u diri doontaa kooxaha Yurub in kooxda wali awood u leedahay inay soo jiidato ciyaaryahanada ugu tayada badan qaaradda inkastoo caqabado dhaqaale ay jireen sanadihii ugu dambeeyay.
