safarada ay somaliland ka furaynayso qudus
Wadamo Caan Ah Oo Ka Horyimid Qorshaha Somaliland Ee Safaarad Ka Furaneysa Quddus, Imaaraadkana Oo Weli Ka Aamusan qorshaha la xiriira in Somaliland ay safaarad ka furato magaalada Quddus, arrintaas oo dhalisay falcelin siyaasadeed iyo mowqifyo kala duwan oo ka imaanaya dalalka Islaamka iyo kuwa gobolka Bariga Dhexe.Warar iyo falanqeynno soo baxaya ayaa sheegaya in dalal dhowr ah ay si cad uga horyimaadeen tallaabadaas, iyagoo ku doodaya in Quddus ay tahay magaalo muran weyn ka taagan yahay islamarkaana aan la aqbali karin in dal Muslim ah ama maamul doonaya aqoonsi caalami ah uu safaarad ka furto halkaas.Dalka Pakistan ayaa ka mid noqday waddamada si weyn uga soo horjeestay qorshahan.
islamabad ayaa marar badan ku celcelisay
Islamabad ayaa marar badan ku celcelisay taageerada ay u hayso qadiyadda Falastiin iyo in Quddus Bari ay tahay caasimadda mustaqbalka ee dowladda Falastiin. Siyaasiyiin iyo warbaahinta Pakistan qaarkood ayaa sheegay in tallaabo kasta oo taageero u muuqata Israa’iil ay dhaawici karto xiriirka Somaliland la leedahay dunida Muslimka.Sidoo kale, dalal kale oo Islaami ah ayaa si hoose ama si dadban uga muujiyay walaacooda arrintan, iyagoo ka digay in ay sii adkaan karto helitaanka taageero diblomaasiyadeed oo Somaliland ka hesho caalamka Muslimk haddii ay qaaddo tallaabooyin loo fasiran karo taageero buuxda oo ay siineyso Israa’iil.
Dhankale dawlada imaraadka carabta ayaa wali amusan
Dhanka kale, Dowladda Imaaraadka Carabta ayaan weli si rasmi ah uga hadlin arrintan, inkastoo Imaaraadku xiriir diblomaasiyadeed la leeyahay Israa’iil kadib heshiisyadii Abraham Accords. Aamusnaanta Abu Dhabi ayaa dhalisay su’aalo badan, maadaama Imaaraadku uu xiriir dhaqaale iyo mid istaraatiiji ah la leeyahay Somaliland, gaar ahaan dekedda Berbera iyo maalgashiyada gobolka.Falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa qaba in Imaaraadku uu ka fiirsanayo saameynta arrintan ku yeelan karto xiriirkiisa dalalka Carabta iyo Islaamka, halka qaar kalena ay sheegayaan in Abu Dhabi uusan doonayn inuu si toos ah ugu lug yeesho muranka ku saabsan mustaqbalka Quddus.Arrintan ayaa sidoo kale dood adag ka dhex abuurtay bulshada Somaliland, iyadoo qaar ay u arkaan fursad lagu xoojin karo xiriirka reer Galbeedka iyo Israa’iil, halka kuwo kalena ay ka digayaan cawaaqib siyaasadeed iyo mid diimeed oo ka dhalan karta.
