Xiisadda Siyaasadeed ee Soomaaliya oo Cirka Isku Shareertay, Mucaaradka iyo Dowladda Isku Hanjabayaan Bannaanbaxyo iyo Talaabooyin Adag

Xiisadda Siyaasadeed ee Soomaaliya oo Cirka Isku Shareertay, Mucaaradka iyo Dowladda Isku Hanjabayaan Bannaanbaxyo iyo Talaabooyin Adag

khilaafka u dhaxeeya dawlada iyo mucaradka

Waxaa sii xoogeysanaya khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka, xilli Muqdisho ay ka socdaan kulamo culus iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashooyinka, dastuurka iyo awood-qaybsiga dalka.

Mucaaradka oo ay ku mideysan yihiin golaha loo yaqaan Somali Future Council ayaa dowladda ku eedeeyay inay isku dayeyso muddo kororsi iyo inay wax ka beddeshay dastuurka iyadoo aan heshiis siyaasadeed loo dhan yahay laga gaarin.

Kulamada ka dhacay xerada xalane dhawaan

Kulamo dhowaan ka dhacay xerada Xalane ee Muqdisho, kuwaas oo ay dhexdhexaadinayeen Mareykanka iyo UK, ayaa la sheegay inay ku dhammaadeen ismariwaa kadib markii mucaaradku dalbaday in la sii daayo siyaasiyiin iyo dad ay dowladda xirtay, kahor inta aan la guda gelin wadahadallada rasmiga ah.

Xiisadda Siyaasadeed ee Soomaaliya oo Cirka Isku Shareertay, Mucaaradka iyo Dowladda Isku Hanjabayaan Bannaanbaxyo iyo Talaabooyin Adag

Dowladda uu hoggaamiyo Hassan Sheikh Mohamud ayaa dhinaceeda ku adkeysaneysa in amniga Muqdisho iyo midnimada dalka aan la khalkhal gelin karin, iyadoo Wasiirka Gaashaandhigga Ahmed Moallim Fiqi uu si adag uga digay in mucaaradku hub iyo ciidamo la galaan Muqdisho ama ay abuuraan qalalaase siyaasadeed.

Wararka mucaradka iyo dawlada federalka

Wararka ugu dambeeyay ayaa sheegaya in mucaaradku qorsheynayo bannaanbaxyo waaweyn oo ka dhaca Muqdisho 4-ta June, kuwaas oo lagu cadaadinayo dowladda inay aqbasho wadatashi siyaasadeed iyo doorasho heshiis lagu yahay. Qaar kamid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa sheegay in shacabka ay “badbaadinayaan dalka” haddii dowladda ay diido wada-hadal dhab ah.

Khilaafkan siyaasadeed ayaa sii xoogeysay kadib murankii ka dhacay maamulka Koonfur Galbeed, halkaas oo ciidanka dowladda ay la wareegeen Baydhabo kadib iscasilaaddii hoggaamiyihii maamulkaas, arrintaas oo mucaaradku ku tilmaamay faragelin siyaasadeed.

Beesha caalamka ayaa walaac weyn ka muujisay xaaladda Soomaaliya, iyadoo lagu baaqayo in dowladda iyo mucaaradku ka fogaadaan hadallada kicinaya colaadda islamarkaana lagu laabto wada-hadal iyo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *