Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo Maal-qabeenka Aliko Dangote Oo Booqday Mashruuca Warshadda Bacriminta Goday

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo Maal-qabeenka Aliko Dangote Oo Booqday Mashruuca Warshadda Bacriminta Goday

Waftiga uu hogaminayay abiye Ahmed

Wafti heer sare ah oo uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed, islamarkaana uu qeyb ka ahaa maal-qabeenka ugu caansan qaaradda Afrika Aliko Maxamed Dangote iyo masuuliyiin kale oo sar sare, ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Ugaas Miraad Layli ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mudane Mustafe Muxumed Cumar iyo xubno kamid ah golihiisa wasiirrada ayaa wafdiga ku qaabilay garoonka diyaaradaha, halkaas oo ay ka muuqatay soo dhaweyn heer sare ah oo ay ka qeyb qaateen shacabka iyo masuuliyiinta deegaanka.

Ujedada socdaalka raysalwasaraha dalka Ethiopia

Socdaalkan ayaa salka ku haya mashruuca weyn ee warshadda bacriminta ee laga hirgelinayo deegaanka Goday, taas oo lagu tilmaamay mid kamid ah mashaariicda ugu waaweyn ee warshadeed ee Afrika laga dhisayo sanadahan dambe. Mashruucan ayaa waxaa maalgelinaya ganacsadaha reer Nigeria Aliko Dangote, oo ah aas aasaha shirkadda caalamiga ah ee Dangote Group.

Qorshaha warshaddan ayaa markii ugu horreysay la shaaciyay kadib markii Itoobiya ay dardar gelisay siyaasaddeeda warshadaynta iyo isku filnaanshaha wax soo saarka beeraha. Dowladda Itoobiya ayaa muddo dheer raadineysay sidii loo dhisi lahaa warshado gudaha dalka ka soo saara bacriminta si loo yareeyo lacagaha badan ee sannad kasta dibadda loogu bixiyo soo dejinta bacriminta.

Deegaanka Goday ayaa loo doortay mashruucan sababo la xiriira kheyraadka dabiiciga ah ee ku jira deegaanka, gaar ahaan gaaska dabiiciga ah ee laga helay dhulka dowlad deegaanka Soomaalida. Dowladda Itoobiya iyo shirkadda Dangote Group ayaa heshiisyo iyo daraasado badan sameeyay sanadihii lasoo dhaafay si loo xaqiijiyo suurta-galnimada mashruuca.

Warshada bacriminta ee laga hirgaliyay Goday

Warshaddan weyn ayaa lagu wadaa inay ku baxdo lacag dhan 2.5 bilyan oo dollar, waxaana la filayaa inay noqoto mid kamid ah warshadaha ugu waaweyn bacriminta ee caalamka. Mashruuca ayaa sidoo kale la sheegay inuu abuuri doono kumannaan shaqooyin ah oo ay heli doonaan dhalinyarada deegaanka iyo guud ahaan Itoobiya.

Intii uu socday booqashada maanta, wafdiga ayaa kormeer ku tagay goobta laga hirgelinayo warshadda, waxaana halkaasi lagu soo bandhigay warbixino ku saabsan heerka uu marayo mashruuca, faa’iidooyinka dhaqaale ee laga filayo iyo qorshaha dowladda Itoobiya ee ku aaddan horumarinta warshadaha culus.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sheegay in mashruucani uu yahay tallaabo weyn oo Itoobiya uga gudbeyso ku tiirsanaanta waxyaabaha dibadda laga keeno, isagoo xusay in dowladda federaalku mudnaan gaar ah siinayso horumarinta dowlad deegaanka Soomaalida.

Dhankiisa, Aliko Dangote ayaa sheegay in Itoobiya ay tahay dal leh fursado dhaqaale oo waaweyn, islamarkaana deegaanka Soomaalida uu noqon karo xarun muhiim u ah warshadaha iyo ganacsiga Geeska Afrika. Wuxuu tilmaamay in mashruucani uusan faa’iido u ahayn Itoobiya oo keliya, balse uu saameyn weyn ku yeelan doono dalalka deriska ah ee isticmaala bacriminta.

Mashruucan ayaa hadda loo arkaa mid taariikhi ah oo beddeli kara dhaqaalaha deegaanka iyo guud ahaan Itoobiya, iyadoo shacabka deegaanka ay rajo weyn ka qabaan shaqooyinka, horumarka iyo koboca dhaqaalaha ee ka dhalan doona warshaddan weyn.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *