Shirka Xalane Ee Xasan Sheekh Iyo Mucaaradka: Soomaaliya Oo Gashay Marxalad Siyaasadeed Xasaasi Ah

Shirka Xalane Ee Xasan Sheekh Iyo Mucaaradka: Soomaaliya Oo Gashay Marxalad Siyaasadeed Xasaasi Ah

Shirka u dhaxeeya hassen sheikh iyo madasha mustaqbalka

Shirka Xalane Ee Xasan Sheekh Iyo Mucaaradka: Soomaaliya Oo Gashay Marxalad Siyaasadeed Xasaasi Ah Waxaa si weyn isha loogu hayaa shirka la filayo inuu berri ka qabsoomo gudaha xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, kaas oo u dhexeeya Madaxweynaha Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud iyo xubnaha mucaaradka ee ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliya. Shirkaan ayaa imanaya xilli dalka uu wajahayo khilaaf siyaasadeed oo sii xoogeysanaya, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, dastuurka iyo muddo-xileedka dowladda.

Kulanka ayaa la filayaa inay kasoo qayb galaan madaxda maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, oo ay kala hoggaaminayaan Said Abdullahi Deni iyo Ahmed Mohamed Islam Madobe, sidoo kale waxaa joogi doona siyaasiyiin mucaarad ah sida Sharif Sheikh Ahmed, Hassan Ali Khaire iyo Mohamed Hussein Roble.

Ujeedka shirka aya ah sida xal looga gaadhi laha

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in ajandaha ugu weyn ee shirka uu yahay sidii xal looga gaari lahaa muranka ka taagan doorashada 2026, nooca doorasho ee dalka geli doono, dib-u-eegista dastuurka iyo muranka muddo-kordhinta hay’adaha dowladda. Mucaaradka ayaa si adag uga soo horjeeda wax kasta oo u muuqda muddo-kordhin aan heshiis lagu ahayn, halka dowladda Federaalka ay ku adkeysaneyso qorshaha doorasho qof iyo cod ah.

Sidoo kale, shirka Xalane wuxuu noqon karaa mid go’aamiya jihada siyaasadeed ee Soomaaliya bilaha soo socda. Beesha caalamka ayaa cadaadis xooggan saaraysa dhinacyada si looga fogaado isku dhac siyaasadeed ama amni oo ka dhaca Muqdisho, maadaama xaaladda dalka ay marayso heer aad u xasaasi ah. Waxaa jira cabsi laga qabo in haddii heshiis la waayo ay sii kororto kala qeybsanaanta siyaasadeed iyo khilaafka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

Shirka ayaa la filayaa in labo wado mid un qaado

Xogaha laga helayo dhinacyada siyaasadda ayaa tilmaamaya in kulanka berri uu noqon karo mid laba waddo midkood horseeda: in la gaaro is-afgarad cusub oo lagu dejiyo xaaladda siyaasadeed, ama in uu fashilmo oo dalka galo marxalad cusub oo hubanti la’aan siyaasadeed ah. Mucaaradka ayaa doonaya dammaanad cad oo ku saabsan doorasho heshiis lagu yahay, halka Villa Soomaaliya ay isku dayeyso inay ilaaliso awoodda dowladda dhexe iyo qorshaha siyaasadeed ee ay waddo.

Gunanadka

Dhanka ammaanka, waxaa si weyn loo adkeeyay amniga Muqdisho iyo gaar ahaan gudaha Xalane, iyadoo siyaasiyiinta qaar ay la yimaadeen ciidamo dheeraad ah sababo la xiriira walaac amni. Tani waxay muujinaysaa heerka kalsooni darrada siyaasadeed ee wali ka dhex jirta dhinacyada isku imanaya shirka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *