Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Abbas Araghchi, ayaa waxyar ka hor shaaciyay in wada-hadallada u dhexeeya dowladda Iiraan iyo Mareykanka ay gaareen heer gabagabo ah, islamarkaana ay jiraan rajooyin xooggan oo laga qabo in labada dhinac ay ku dhawaaqaan heshiis rasmi ah maalmaha soo socda. Hadalka wasiirka ayaa yimid xilli indhaha caalamku ay ku jeedaan dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu doonayo in lagu soo afjaro xiisadaha iyo colaadaha muddooyinkii dambe ka taagnaa gobolka Bariga Dhexe.
Abbas Araghchi ayaa sheegay in wada-xaajoodyada socda ay gaareen heer aad u horumarsan, isagoo xusay in inta badan qodobadii muranka dhaliyay laga gudbay, isla markaana ay harsan yihiin arrimo farsamo iyo habraacyo u baahan in la dhammaystiro. Wasiirku wuxuu warbaahinta gudaha iyo tan caalamkaba uga digay inay ka fogaadaan faallooyinka, saadaasha iyo wararka aan la xaqiijin ee ku saabsan qodobada heshiiska la filayo, isagoo carrabka ku adkeeyay in wixii faahfaahin ah lagu soo bandhigi doono si rasmi ah marka heshiiska la dhammeeyo.

“Dhinacyadu waxay sameeyeen horumar la taaban karo, waxaana muhiim ah in la sugo natiijada rasmiga ah halkii la faafin lahaa mala-awaal iyo warar aan la hubin,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Iiraan.
Wax yar kadib hadalka Araghchi, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dib u baahiyay qoraalka wasiirka Iiraan ku daabacay baraha bulshada. Tallaabada Trump ayaa si weyn u soo jiidatay dareenka falanqeeyayaasha siyaasadda, kuwaas oo ku tilmaamay calaamad muujinaysa in Aqalka Cad uu doonayo inuu tuso bulshada caalamka in wada-hadalladu ay ku socdaan jihada saxda ah.

Diblomaasiyiinta iyo khubarada arrimaha gobolka ayaa aaminsan in haddii heshiiskan la gaaro uu noqon karo mid beddela jihada siyaasadda Bariga Dhexe, maadaama uu fursad siin karo in la yareeyo colaadaha, cunaqabateynta iyo khilaafaadka soo jiitamayay sannado badan. Waxaa sidoo kale la filayaa in heshiiskaasi uu saameyn ku yeesho dhaqaalaha gobolka, gaar ahaan suuqa tamarta iyo shidaalka oo marar badan ay ruxeen xiisadaha u dhexeeya Tehran iyo Washington.
Inkasta oo rajo badan laga qabo guusha wada-hadalladan, haddana ilo ku dhow dowladda Iiraan ayaa sheegay in aan wali la gaarin heshiis kama dambeys ah, islamarkaana ay jiraan qodobo u baahan in labada dhinac ay si buuxda uga heshiiyaan. Sidaas darteed, weli waxaa muhiim ah in la sugo war-murtiyeedka rasmiga ah ee labada dowladood ka soo bixi doona.
Si kastaba ha ahaatee, hadallada kasoo baxay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan iyo tallaabada uu qaaday Madaxweyne Trump ayaa sare u qaaday rajada laga qabo in muddo dheer kadib la gaaro is-afgarad horseeda degganaansho siyaasadeed iyo in la furo bog cusub oo xiriirka labada dal ah.
