Madaxweyne Cirro oo ka dhoofay Hargeysa, warar kala duwan oo laga helayo safarkiisa Madaxweynaha Somaliland, Abdirahman Mohamed Abdullahi Cirro, ayaa saaka oo ay taariikhdu tahay 9-ka Juun 2026 ka dhoofay magaalada Hargeysa, iyadoo aan weli si rasmi ah loo shaacin halka uu ku wajahan yahay iyo ujeeddada safarkiisa.
Wararka soo baxaya ayaa is khilaafsan, waxaana ilo kala duwan sheegayaan in Madaxweynaha uu marka hore ku wajahan yahay magaalada Dubai ee dalka United Arab Emirates si uu ula yeesho kulamo la xiriira maalgashi iyo iskaashi dhaqaale. Warar kale ayaa tilmaamaya in safarkiisa uu ku jiri karo booqasho rasmi ah oo uu ku tagayo Israel, inkastoo aan weli wax xaqiijin ah laga helin madaxtooyada Somaliland.
Madaxweyne Cirro ayaa horay u sheegay inuu aqbalay martiqaad uga yimid Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, isla markaana uu rajeynayo inuu booqdo dalkaas si loo xoojiyo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ganacsi ee u dhexeeya labada dhinac.
Safarkan ayaa imanaya xilli xiriirka Somaliland iyo Israa’iil uu gaaray heer cusub, kaddib markii Israa’iil ay bishii Diseembar 2025 noqotay dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland. Sidoo kale, bishii Janaayo 2026 waxaa Hargeysa booqasho taariikhi ah ku yimid Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil, taas oo dhalisay falcelin xooggan oo ka timid Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ilaa hadda ma jirto war-saxaafadeed rasmi ah oo faahfaahinaya jadwalka safarka Madaxweynaha, waxaana la filayaa in saacadaha ama maalmaha soo socda ay madaxtooyadu ka hadasho halka uu ku sugan yahay iyo kulamada uu yeelan doono.
