Xiisad Ciidan Oo Ka Taagan Muqdisho Kadib Markii Ciidamo Kala Taageersan Saraakiil Sare Isku Horfadhiisteen Degmada CabdicasiisWararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xiisad amni oo xooggan ay ka taagan tahay qaybo kamid ah xaafadda Mirinaayo ee degmada Cabdicasiis, halkaas oo ay isku horfadhiyaan ciidamo ilaalo u ah Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Odawaa Yusuf Raage, iyo ciidamo kale oo la sheegay inay ka amar qaataan taliska hadda ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo hay’adaha amniga.
Xiisaddan ayaa kusoo beegmaysa xilli magaalada Muqdisho ay ka jiraan murano siyaasadeed iyo walaac amni oo isa soo taraya, iyadoo saacadihii la soo dhaafay la soo weriyey iska horimaadyo iyo dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo sababay cabsi soo wajahday shacabka ku nool deegaanada ay xaaladdu saameysay.Ilo deegaanka ah ayaa sheegaya in labada dhinac ay isku horfadhiyaan goobo muhiim ah, inkastoo aan weli la soo sheegin dagaal ballaaran oo si rasmi ah loo xaqiijiyey.
Dadka deegaanka ayaa ka walaacsan in xiisaddu isu beddesho iska horimaad hubeysan oo saameyn ku yeesha ammaanka caasimadda.Mas’uuliyiinta dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka la xiriira ciidamada isku horfadhiya degmada Cabdicasiis,
hase yeeshee xaaladda ayaa si dhow loola socdaa iyadoo laga cabsi qabo in khilaafaadka siyaasadeed ee jira ay sii hurin karaan xiisadaha amni ee Muqdisho.Dadka deegaanka iyo qaybaha bulshada ayaa ku baaqaya in khilaafaadka jira lagu xalliyo wada-hadal iyo is-afgarad si looga hortago qalalaase amni oo cusub oo ka dhaca caasimadda dalka. Warar dheeraad ah ayaa la filayaa inay kasoo baxaan xaaladdan saacadaha iyo maalmaha soo socda.
