Maayirkii hore ee magaalada Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge ayaa maanta si rasmi ah xilka ugu wareejiyey maayirka cusub ee dhawaan la doortay Eng. Wiiwaa, taas oo soo afjartay muddo shan sano ku dhow oo uu hoggaanka caasimadda Somaliland hayey. Xil wareejintani ma ahayn oo keliya isbeddel maamul, balse waxay ahayd dhacdo si weyn u taabatay dareenka bulshada Somaliland, gaar ahaan shacabka Hargeysa oo muddooyinkii u dambeeyey si adag uga doodayey waxqabadkii, guulihii iyo dhaliilihii maamulkii Mooge.
Cabdikariin Axmed Mooge wuxuu ahaa siyaasi ka duwan maayiradii hore ee soo maray Hargeysa. Waxa uu siyaasadda kusoo galay taageero shacab oo aad u weyn, isagoo noqday mudanihii ugu codka badnaa dalka doorashadii goleyaasha deegaanka ee dhacday 31-kii May 2021, markaas oo uu helay in ka badan 26 kun oo cod. Guushaasi waxay ahayd fariin cad oo muujinaysay in bulshada Hargeysa doonayeen isbeddel cusub, maamul firfircoon iyo hoggaan ka duwan kuwii hore.
Mooge wuxuu sidoo kale ahaa maayirkii ugu horreeyey ee ka soo baxa xisbi mucaarid ah haddana taageero ka hela dhinaca xukuumadda waqtigaas talada haysay. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa mar fagaaro ka sheegay in uu meesha ka saaray musharrax la tartami lahaa Mooge, taas oo muujisay in xitaa xukuumaddu aragtay in Mooge lahaa taageero bulsho oo aan si fudud looga hortagi karin.

Markii uu kursiga qabtay, Mooge waxa uu bulshada u soo bandhigay himilooyin waaweyn oo ay kamid ahaayeen in Hargeysa laga dhigo magaalo casri ah, magaalo cagaaran, magaalo waddooyin fiican leh, isla markaana laga ciribtiro qabyaaladda iyo kala qaybsanaanta bulshada. Shan sano kadibse, su’aasha ugu weyn waxay noqotay: maxaa rumoobay, maxaase hadhay?
Qodobka ugu weyn ee dadka badankiisu isku raacsan yihiin waa in Mooge wax weyn ka qabtay dhismaha waddooyinka magaalada Hargeysa. Xaafado badan oo muddo dheer ahaa carro iyo boholo ayaa loo sameeyey waddooyin cusub, halka kuwo kalena dib loo dayactiray. Hargeysa muddadii Mooge waxay yeelatay muuqaal ka duwan kii hore, waxaana si gaar ah loo dareemay in adeegyada kaabeyaashu kor u kaceen.
Si kastaba ha ahaatee, dadka dhaliila waxay tilmaamayaan in mashruucii ugu weynaa ee lagu xasuusan lahaa uu ahaa waddada 150-ka, taas oo aan xitaa la bilaabin. Waddadan ayaa ahayd mid si weyn loogu ololeeyey, isla markaana bulshada Hargeysa u arkayeen mashruuc beddeli kara bilicda iyo isu socodka magaalada. Inaan mashruucaasi hirgelin waxay dhaawacday sawirkii ahaa in Mooge dhammaan ballamihiisii ka dhabayn doono.

Ballanqaadkii ahaa “Hargeysa cagaaran” ayaa noqday qodobka ugu liita dhinaca waxqabadka. Mooge wuxuu bulshada u sheegay in magaalada lagu beeri doono dhir badan, la abuuri doono jardiinooyin iyo deegaan nadiif ah oo casri ah. Laakiin maanta marka la eego Hargeysa, weli waxaa muuqata dhir yari baahsan, deegaanka oo qalalan iyo cagaarkii oo aan si dhab ah u hirgelin. Geedka Garanwaaga oo si dabiici ah uga baxa magaalada ayaa weli ah astaanta ugu weyn ee cagaarka Hargeysa.
Dad badan ayaa qaba in arrintan ay ahayd himilo qurux badan oo aan loo helin qorshe iyo dhaqaale ku filan, halka qaar kalena ay sheegayaan in maamulka Mooge xoogga saaray dhismaha waddooyinka isaga oo dhinaca deegaanka dayacay.
Qodobka kale ee si weyn loogu muransan yahay waa arrinta qabyaaladda iyo midnimada bulshada. Mooge markii ololaha ku jiray wuxuu si joogto ah ugu celcelin jiray in uu la dagaallami doono qabyaaladda isla markaana uu Hargeysa mideyn doono. Taageerayaashiisu waxay ku doodayeen in uu ahaa hoggaamiye ay dadku ku mideysnaayeen oo ka gudbayey kala qoqobka bulshada.
Laakiin dhammaadkii maamulkiisa waxaa cirka isku shareeray khilaafyo siyaasadeed oo ka dhex curtay Golaha Deegaanka Hargeysa. Khilaafkaasi wuxuu gaadhay heer xubnaha goluhu ay is arki waayaan, halka ku xigeenkiisii uu xilka sii wareejiyey isaga oo ka baaqsaday inuu goobta kasoo muuqdo maayirka xilka wareejinaya. Eedaymaha loo jeediyey Mooge waxaa kamid ahaa in maamulka dawladdu hoose galay kala qaybsanaan siyaasadeed iyo eex, taas oo dhaawacday sawirkii hore ee ahaa “Hargeysa mideysan.”

Dhanka kale, Mooge waxaa lagu ammaanaa in uu ahaa maayir ilaaliyey nidaamka dimuqraadiyadda. Wuxuu hore u sheegay inuusan xilka ku dhegganaan doonin marka muddadiisu dhammaato, waxaana muuqata inuu ballankaas ka dhabeeyey. Inkastoo xilka looga qaaday eedeymo la xidhiidha xil gudasho la’aan, haddana si deggan ayuu xilka u wareejiyey isaga oo aan muran siyaasadeed abuuriin.
Taasi waxay dadka qaar ku tilmaameen biseyl siyaasadeed iyo ixtiraam nidaamka dawliga ah, halka qaar kalena ay ku doodeen in aanu si adag isaga difaacin eedeymihii loo jeediyey.
Waxyaabaha ugu waaweyn ee lagu xasuusan doono Mooge waxaa kamid ah dib u dhiska xarumaha degmooyinka. Degmooyin badan ayaa loo sameeyey xarumo cusub oo casri ah, kuwaas oo beddelay muuqaaladii liitay ee hore u jiray. Waxa kale oo uu dayactir ku sameeyey qaar kamid ah dugsiyada magaalada, taas oo ahayd arrin aan si weyn looga baran dawladaha hoose ee Somaliland.
Sidoo kale, maamulka Mooge wuxuu qaaday olole lagu nadiifinayey dooxa weyn ee Hargeysa, halkaas oo laga guray qashin iyo xashiish badan oo muddo ku urursanaa. Arrintaasi waxay ahayd tallaabo dhinaca nadaafadda iyo deegaanka muhiim u ahayd.
Hase yeeshee, dhinaca kale waxaa jiray arrimo uu ku fashilmay. Wadhatada magaalada ayaa weli la kulmayey dhibaatooyin la xidhiidha askarta dawladdu hoose oo ka daadisa alaabtooda, iyadoo aan la samayn suuq rasmi ah oo ay ku ganacsadaan. Dad badan ayaa qabay in maamulka Mooge aanu xal waara u helin dadka danyarta ah ee ku tiirsan ganacsiga waddooyinka.

Sidoo kale, maamulka Mooge laguma xusuusto nidaam daahfuran oo dhinaca qandaraasyada iyo xisaab celinta ah. Inkastoo bulshada badankeedu taageersanayd, haddana ma jirin hannaan cad oo lagu soo bandhigayey dhaqaalaha iyo qandaraasyada dawladdu hoose. Arrintaasi waxay noqotay dhaliil uu la wadaagay maayiradii ka horreeyey.
Mid kamid ah waxyaabaha ugu waaweyn ee taageerayaashiisu ku ammaanaan ayaa ah ilaalinta dhulka danta guud. Mudadii uu xilka hayey waxaa yaraaday cabashooyinkii la xidhiidhay boobka dhulka dawladda, taas oo ahayd mushkilad muddo dheer hadheysay Hargeysa. Dad badan ayaa qaba in Mooge si adag uga hortagay in dhul badan oo dadweynuhu leeyihiin loo gacan geliyo dano gaar ah.
Gebogebadii, Cabdikariin Axmed Mooge wuxuu ka tegay dhaxal siyaasadeed oo aan si fudud loo illoobi doonin. Wuxuu ahaa maayir leh taageero dadweyne oo aan hore loogu arag Hargeysa, aragtiyo cusub iyo awood uu bulshada ku kasban karo. Laakiin sidoo kale wuxuu la kulmay caqabado waaweyn, khilaafyo siyaasadeed iyo ballanqaadyo aan dhammaantood rumoobin.
Qaar badan waxay ku xusuusan doonaan waddooyinkii, xarumihii degmooyinka iyo ilaalinta dhulka danta guud, halka qaar kalena ay ku dhaliili doonaan fashilka dhinaca cagaaraynta magaalada, midnimada siyaasadeed iyo daahfurnaanta maamulka.
Si kastaba ha ahaatee, Mooge wuxuu noqday siyaasi saamayn weyn ku yeeshay siyaasadda Somaliland, gaar ahaan magaalada Hargeysa, waxaana weli taagan doodda ah in uu ahaa maayir isbeddel horseeday mise hoggaamiye himilooyin waaweyn lahaa oo aan dhammaantood hirgelin.
