Booliiska Minnesota oo Ka Digay Dhallinyaro Soomaali ah oo Hub Wata Kana Dhex Abuurtay Cabsi AmniBooliiska gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa walaac xooggan ka muujiyay falal amni darro oo la xiriira qaar kamid ah dhallinyarada Soomaalida ah ee ku nool gobolkaasi, kuwaas oo lagu eedeeyay inay si hubeysan u socdaan isla markaana si khaldan u kaxeeyaan gawaarida.Warbixinno kasoo baxay laamaha ammaanka ayaa sheegaya in muddooyinkii ugu dambeeyay ay soo kordheen dhacdooyin la xiriira gawaarida xawaareynta ah,
tartamada sharci darrada ah ee waddooyinka lagu qabto iyo kooxo dhallinyaro ah oo hub sita. Booliiska ayaa sheegay in arrimahan ay cabsi ku abuureen shacabka ku nool xaafado kamid ah Minnesota gaar ahaan meelaha ay Soomaalidu ku badan tahay.Saraakiisha ammaanka ayaa sidoo kale sheegay in dhacdooyin dhowr ah oo la xiriira rasaas la isku weydaarsaday ay dhaceen, inkastoo aysan jirin war rasmi ah oo sheegaya khasaaro dhimasho ama dhaawac ah oo ka dhashay rasaastaasi. Booliiska ayaa tilmaamay in baaritaanno socdaan si loo ogaado kooxaha ku lugta leh falalkaas.Qaar kamid ah bulshada Soomaalida ee Minnesota ayaa iyaguna walaac ka muujiyay arrintan, iyagoo sheegay in falalka ay sameynayaan kooxaha yar yar ee hubeysan ay dhaawacayaan sumcadda guud ee Soomaalida ku nool gobolkaasi. Odayaal iyo waxgarad Soomaaliyeed ayaa ku baaqay in dhalinyarada lagu wacyigeliyo sharciga iyo khatarta ka dhalan karta isticmaalka hubka iyo falalka rabshadaha wata.
Minnesota ayaa kamid ah gobollada ay Soomaalida ugu badan ku nool yihiin gudaha Maraykanka, waxaana magaalada Minneapolis iyo nawaaxigeeda deggen kumannaan qoys oo Soomaaliyeed. Bulshada Soomaalida ayaa guud ahaan lagu yaqaannaa ganacsi, shaqo iyo ka qeyb qaadashada bulshada, hase yeeshee dhacdooyinka noocan ah ayaa mararka qaar si weyn usoo jiita indhaha warbaahinta iyo hay’adaha ammaanka.Booliiska Minnesota ayaa sheegay inay kordhin doonaan howlgallada ammaanka iyo la shaqeynta bulshada si loo yareeyo falalka rabshadaha wata iyo isticmaalka hubka sharci darrada ah. Waxay sidoo kale waalidiinta iyo hoggaamiyeyaasha bulshada ugu baaqeen inay si dhow ula socdaan dhaq-dhaqaaqa dhalinyarada si looga hortago dambiyada sii kordhaya.
