Madaxweynaha Senegal Oo Magacaabay Ra’iisul Wasaare Cusub Kadib Markii Xilka Laga Qaaday Ousmane Sonko

Madaxweynaha Senegal Oo Magacaabay Ra’iisul Wasaare Cusub Kadib Markii Xilka Laga Qaaday Ousmane Sonko

Madaxweynaha dalka Senegal aya magacabay raysalwasare cusub

Madaxweynaha Senegal Oo Magacaabay Ra’iisul Wasaare Cusub Kadib Markii Xilka Laga Qaaday Ousmane Sonko Madaxweynaha dalka Senegal Bassirou Diomaye Faye ayaa magacaabay dhaqaaleyahan Ahmadou Al Aminou Lo inuu noqdo Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalkaasi, kadib markii xilka laga qaaday Ra’iisul Wasaarihii hore Ousmane Sonko. Go’aankan ayaa yimid xilli Senegal ay wajahayso qalalaase siyaasadeed iyo dhaqaale oo sii xoogeysanaya.

Madaxweynaha Senegal Oo Magacaabay Ra’iisul Wasaare Cusub Kadib Markii Xilka Laga Qaaday Ousmane Sonko

War-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Ahmadou Al Aminou Lo uu leeyahay khibrad dheer oo dhinaca dhaqaalaha iyo bangiyada ah, gaar ahaan shaqadiisii hore ee Bangiga Dhexe ee Galbeedka Afrika (BCEAO). Dowladda ayaa sheegtay in waayo-aragnimadiisa ay muhiim u tahay sidii Senegal looga saari lahaa dhibaatada deynta sii kordheysa iyo xaaladda dhaqaale ee adag ee dalka ka jirta.

Madaxweynaha ayaa xilka ousmane sonko raysalwasarihi hore

Magacaabistan ayaa timid maalmo kadib markii Madaxweyne Faye uu xilka ka qaaday Ousmane Sonko isla markaana uu kala diray xukuumaddii hore, kadib bilo ay jireen khilaafyo siyaasadeed iyo is mariwaa ka dhex jiray labada hoggaamiye oo hore xulufo dhow u ahaa. Sonko ayaa si weyn uga hor yimid qorshayaasha dib-u-habeynta deymaha iyo wada-hadallada lala lahaa Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF.

Madaxweynaha Senegal Oo Magacaabay Ra’iisul Wasaare Cusub Kadib Markii Xilka Laga Qaaday Ousmane Sonko

Senegal ayaa hadda wajahaysa dhibaato dhaqaale oo culus, iyadoo deynta dalka lagu qiyaasay in ay gaartay in ka badan 130% wax soo saarka guud ee dalka (GDP). IMF ayaa hakisay barnaamij gargaar lacageed oo gaarayay $1.8 bilyan kadib markii la ogaaday deymaha qarsoon iyo khaladaad maaliyadeed oo hore u dhacay.

Ra’iisul Wasaaraha cusub Ahmadou Al Aminou Lo ayaa markii ugu horreysay sheegay inuu doonayo inuu dib u soo celiyo kalsoonida maalgashadayaasha iyo ganacsatada gudaha iyo dibadda, isagoo xusay in Senegal ay weli tahay “dal ammaan ah oo lagu kalsoonaan karo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *