Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Kadib Safar Shaqsi iyo Kulamo Muhiim Ah oo Uu Ku Tagay United Arab Emirates

Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Kadib Safar Shaqsi iyo Kulamo Muhiim Ah oo Uu Ku Tagay United Arab EmiratesMadaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa maanta si rasmi ah dib ugu soo laabtay dalka kadib safar shaqsi ah iyo kulamo kala duwan oo uu maalmihii u dambeeyay ugu maqnaa dalka United Arab Emirates.Madaxweynaha ayaa kasoo degay garoonka diyaaradaha ee Hargeisa, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay. Waxa halkaasi ku qaabilay xubno kamid ah golaha wasiirrada, saraakiil ciidan, masuuliyiin sare oo ka tirsan xukuumadda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, iyadoo loo sameeyay soo dhaweyn heer qaran ah.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Kadib Safar Shaqsi iyo Kulamo Muhiim Ah oo Uu Ku Tagay United Arab Emirates

Safarka madaxweynaha ee imaradka carabta

Safarka Madaxweynaha ee Imaaraadka Carabta ayaa lagu tilmaamay mid isugu jiray arrimo shaqsi ah iyo kulamo muhiim ah oo la xiriiray xoojinta xiriirka Somaliland iyo Imaaraadka. Ilo ku dhow madaxtooyada ayaa sheegay in Madaxweyne Cirro uu muddadii uu ku sugnaa UAE la yeeshay kulamo la xiriira iskaashi dhaqaale, maalgashi iyo arrimo ku saabsan horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Somaliland.

Dhankale waxa la sheegaya madaxweynuhu inu dirada saaray

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in safarka Madaxweynaha uu diiradda saaray sidii loo xoojin lahaa maalgelinta dekedaha, ganacsiga iyo adeegyada bulshada, iyadoo Somaliland ay xiriir ganacsi iyo mid istiraatiiji ah la leedahay Imaaraadka Carabta sanadihii ugu dambeeyay. Dowladda UAE ayaa kamid ah waddamada sida weyn u maalgashaday gobolka, gaar ahaan dhinacyada dekedaha, duulista iyo ganacsiga.Mudadii uu Madaxweynaha ku sugnaa Imaaraadka waxaa jiray kulamo gaar ah oo uu la yeeshay ganacsato iyo masuuliyiin ka socday shirkado caalami ah, kuwaasi oo lagu falanqeeyay fursadaha maalgashi ee Somaliland iyo sidii loo abuuri lahaa iskaashi dhaqaale oo dheeraad ah.

Gunanadka

Markii uu dalka dib ugu soo laabtay, Madaxweyne Cirro ayaa war kooban oo uu siiyay warbaahinta ku sheegay in safarkiisu uu guul kusoo dhammaaday, isla markaana ay jiraan qorshayaal iyo wada hadallo miro dhal noqon kara oo faa’iido u leh Somaliland. Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay shacabka iyo masuuliyiinta soo dhaweysay, isagoo sheegay in xukuumaddiisu sii wadi doonto dadaallada lagu xoojinayo xiriirka caalamiga ah iyo horumarinta dalka.Soo laabashada Madaxweynaha ayaa kusoo beegmaysa xilli ay Somaliland ku jirto diyaar garowga munaasabadda 18-ka May, taasoo sanad walba si weyn looga xuso guud ahaan dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *